𝐗𝐀𝐅𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 πƒπ€π€π‡π…π”π‘πŠπ€ π‡π„π’π‡πˆπˆπ’πŠπ€ π‰π€π€πŒπ€π‚π€πƒπ€ 𝐀𝐋𝐏𝐇𝐀 π‹π€π€π’π‚π€π€ππŽπŽπƒ 𝐈𝐘𝐎 π”π‘π”π‘πŠπ€ 𝐖𝐀𝐗𝐁𝐀𝐑𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 πˆππƒπˆπ€ 𝐄𝐃𝐔𝐂𝐀𝐓𝐄𝐒.

Laascaanood 24, September, 2024 Jaamacadda Alpha University Laascaanood iyo ururka India educates oo ah urur ka shaqeeya arimaha waxbarashada debedda kana aasaasan wadanka india ayaa si wada jir ah usoo bandhigay heshiis iskaashi oo ah dhinaca horumarinta arimaha waxbarashada kaas oo ay dhowaan kala saxiixdeen.

Xafladdan oo ay kasoo qayb galeen Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare mudane. Cabdixakiin jaamac dalmar, xildhibaano katirsan golaha dhexe ee SSC-khaatumo, agaasimeyaal guud, maamulka sare ee machadka T-Hub, bahda waxbarashada, ururrada haweenka aqoonyahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa madasha shaacinta heshiiska ku sugnaa gudoomiyaha jaamacadda Alpha qaybteeda SSC Mr. Mahdi Cabdiraxmaan Cilmi iyo agaasimaha ururka waxbarashada ee India educates Mr. Javed zikiria oo ahaa saxiixayaasha heshiiskan.

Gudoomiye Mahdi Cabdiraxmaan ayaa si buuxda uga warbixiyey ujeedada heshiiskan iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soomaray, saagoo ku dheeraaday nuqullo kamid ah heshiiska kuwaas oo daarranaa deeqo waxbarasho(Scholrships) isugu jira waxbarashada heerka kowaad iyo heerka labbaad (Undergraduate & Postgraduate Programs) oo ay jaamacaddaha waaweyn ee dalka India siiyeen jaamacadda Alpha Laascaanood, sidoo kale Mr. Javed oo kasocdey India educates wakiilna ka ahaa jaamacadaha dalka India ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiskan wuxuuna dhammaan bulshada soomaaliyeed iyo ree SSC-khaatumo ba kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah.

𝐀π₯𝐩𝐑𝐚 π”π§π’π―πžπ«π¬π’π­π² π₯𝐚𝐬𝐚𝐧𝐨𝐝
πΌπ‘›π‘ π‘π‘Ÿπ‘–π‘›π‘” π‘‡π‘œπ‘šπ‘šπ‘œπ‘Ÿπ‘œπ‘€’𝑠 π‘ƒπ‘Ÿπ‘œπ‘“π‘’π‘ π‘ π‘–π‘œπ‘›π‘Žπ‘™π‘ 

Scroll to Top