
Laascaanood 09, November, 2024 Ardayda sare(senior class) ee kuuliyadda sharciga ee Jaamacadda Alpha University Laascaanood ayaa soodhoweyn usameeyey ardeyda cusub ee sanadka kusoo biirtay kulliyadda sharciga iyo qaanuunka, xafladdan oo ka qabsoontay hoolka SKY ayaa waxa ka soo qeyb galay maamulka sare ee jaamacadda, masuuliyiin sarsare oo ka socdey maamulka SSC-khaatumo kuwaas oo isugu jirey Wasiiro, Xildhibaano, agaasimayaal, goleyaasha deegaanka, xubno ka socdey heerarka kala duwan ee maxkamadaha iyo garsoorka, sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socotey maxkamadda sare ee maamulka puntland iyo kuwa horey xilal ugasoo qabtay, qareeno iyo garsoorayaal madax banaan, culima-awdiin, hormuudka kulliyadda, macallimiinta kuuliyadda sharciga iyo marti sharaf kale.
Ujeedada xafladdan ayaa ahayd in ardayda cusub lagu boorriyo muhiimadda kulliyaddani uleedahay bulshada, iyo fursadaha dahabiga ah ee ay haystaan, lana baro nidaamka iyo shuruucda jaamacadda, loona sharaxo safarkooda waxbarasho, ka mira dhalinta hadafkooda iyo baraarujin ku saabsan nooca tacliina sare ee ay guda galeen.
Madaxda jaamacadda, masuuliyiintii kasoo qayb gashay iyo macallimiinta kulliyadda ayaa khudbado dhiirrigelin ah u jeediyay ardayda, iyagoo kula dardaarmay inay ku dadaalaan waxbarashadooda si ay u noqdaan garsoorayaasha berri iyo qareenno hufan oo bulshada u adeega, waxaana maamulka jaamacadda iyo wasiirradii kasoo qayb galay ay madasha kaga dhawaaqeen tiro deeq waxbarasho ah(Scholarships) taas oo lasiinayo ardeyda kulliyadan iyo kuwa kusoo biiri doona.
Intaa kadib, ardeydii horey u dhigan jirtey kulliyaddan ayaa la wadaagey ardeyda cusub waayo-aragnimadooda iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan kulliyaddan iyo sida ugu wanaagsan ee ay uga faaideysan karaan fursadaha shaqo, hanaanka wax akhriska iyo siday kor ugu qaadi lahaayeen xirfadahooda, waxayna xuseen inay yeelan doonaan kulamo isbarasho ah si kor loogu qaado isdhexgalka iyo isku xidhnaanshaha ardayda kulliyaddan.
Ugu dambeyn xafladdan ayaa kusoo idlaatay jawi nabdoon oo ay ka muuqato farxad iyo yididiilo, iyadoo hormuudka kulliyadu uu si gaara usoo dhoweeyey ardeyda cusub, kulana dardaarmay inay dadaal ku bixiyaan safarkooda waxbarasho, wuxuuna xusay in kulliyadu ay soo saari doonto aqoonyahano da’yar oo u adeega cadaaladda iyo sharciga bulshada.
ππ₯π©π‘π ππ§π’π―ππ«π¬π’ππ² π₯ππ¬ππ§π¨π
πΌππ πππππ ππππππππ€’π ππππππ π ππππππ