Author name: Said

Uncategorized

XAFLADA SOODHOWEYNTA ARDEYDA CUSUB EE KULLIYADDA SHARCIGA IYO QAANUUNKA.

Laascaanood 09, November, 2024 Ardayda sare(senior class) ee kuuliyadda sharciga ee Jaamacadda Alpha University Laascaanood ayaa soodhoweyn usameeyey ardeyda cusub ee sanadka kusoo biirtay kulliyadda sharciga iyo qaanuunka, xafladdan oo ka qabsoontay hoolka SKY ayaa waxa ka soo qeyb galay maamulka sare ee jaamacadda, masuuliyiin sarsare oo ka socdey maamulka SSC-khaatumo kuwaas oo isugu jirey Wasiiro, Xildhibaano, agaasimayaal, goleyaasha deegaanka, xubno ka socdey heerarka kala duwan ee maxkamadaha iyo garsoorka, sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socotey maxkamadda sare ee maamulka puntland iyo kuwa horey xilal ugasoo qabtay, qareeno iyo garsoorayaal madax banaan, culima-awdiin, hormuudka kulliyadda, macallimiinta kuuliyadda sharciga iyo marti sharaf kale. Ujeedada xafladdan ayaa ahayd in ardayda cusub lagu boorriyo muhiimadda kulliyaddani uleedahay bulshada, iyo fursadaha dahabiga ah ee ay haystaan, lana baro nidaamka iyo shuruucda jaamacadda, loona sharaxo safarkooda waxbarasho, ka mira dhalinta hadafkooda iyo baraarujin ku saabsan nooca tacliina sare ee ay guda galeen. Madaxda jaamacadda, masuuliyiintii kasoo qayb gashay iyo macallimiinta kulliyadda ayaa khudbado dhiirrigelin ah u jeediyay ardayda, iyagoo kula dardaarmay inay ku dadaalaan waxbarashadooda si ay u noqdaan garsoorayaasha berri iyo qareenno hufan oo bulshada u adeega, waxaana maamulka jaamacadda iyo wasiirradii kasoo qayb galay ay madasha kaga dhawaaqeen tiro deeq waxbarasho ah(Scholarships) taas oo lasiinayo ardeyda kulliyadan iyo kuwa kusoo biiri doona. Intaa kadib, ardeydii horey u dhigan jirtey kulliyaddan ayaa la wadaagey ardeyda cusub waayo-aragnimadooda iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan kulliyaddan iyo sida ugu wanaagsan ee ay uga faaideysan karaan fursadaha shaqo, hanaanka wax akhriska iyo siday kor ugu qaadi lahaayeen xirfadahooda, waxayna xuseen inay yeelan doonaan kulamo isbarasho ah si kor loogu qaado isdhexgalka iyo isku xidhnaanshaha ardayda kulliyaddan. Ugu dambeyn xafladdan ayaa kusoo idlaatay jawi nabdoon oo ay ka muuqato farxad iyo yididiilo, iyadoo hormuudka kulliyadu uu si gaara usoo dhoweeyey ardeyda cusub, kulana dardaarmay inay dadaal ku bixiyaan safarkooda waxbarasho, wuxuuna xusay in kulliyadu ay soo saari doonto aqoonyahano da’yar oo u adeega cadaaladda iyo sharciga bulshada. 𝐀π₯𝐩𝐑𝐚 π”π§π’π―πžπ«π¬π’π­π² π₯πšπ¬πšπ§π¨ππΌπ‘›π‘ π‘π‘Ÿπ‘–π‘›π‘” π‘‡π‘œπ‘šπ‘šπ‘œπ‘Ÿπ‘œπ‘€’𝑠 π‘ƒπ‘Ÿπ‘œπ‘“π‘’π‘ π‘ π‘–π‘œπ‘›π‘Žπ‘™π‘ 

Uncategorized

𝐗𝐀𝐅𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 πƒπ€π€π‡π…π”π‘πŠπ€ π‡π„π’π‡πˆπˆπ’πŠπ€ π‰π€π€πŒπ€π‚π€πƒπ€ 𝐀𝐋𝐏𝐇𝐀 π‹π€π€π’π‚π€π€ππŽπŽπƒ 𝐈𝐘𝐎 π”π‘π”π‘πŠπ€ 𝐖𝐀𝐗𝐁𝐀𝐑𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 πˆππƒπˆπ€ 𝐄𝐃𝐔𝐂𝐀𝐓𝐄𝐒.

Laascaanood 24, September, 2024 Jaamacadda Alpha University Laascaanood iyo ururka India educates oo ah urur ka shaqeeya arimaha waxbarashada debedda kana aasaasan wadanka india ayaa si wada jir ah usoo bandhigay heshiis iskaashi oo ah dhinaca horumarinta arimaha waxbarashada kaas oo ay dhowaan kala saxiixdeen. Xafladdan oo ay kasoo qayb galeen Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare mudane. Cabdixakiin jaamac dalmar, xildhibaano katirsan golaha dhexe ee SSC-khaatumo, agaasimeyaal guud, maamulka sare ee machadka T-Hub, bahda waxbarashada, ururrada haweenka aqoonyahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa madasha shaacinta heshiiska ku sugnaa gudoomiyaha jaamacadda Alpha qaybteeda SSC Mr. Mahdi Cabdiraxmaan Cilmi iyo agaasimaha ururka waxbarashada ee India educates Mr. Javed zikiria oo ahaa saxiixayaasha heshiiskan. Gudoomiye Mahdi Cabdiraxmaan ayaa si buuxda uga warbixiyey ujeedada heshiiskan iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soomaray, saagoo ku dheeraaday nuqullo kamid ah heshiiska kuwaas oo daarranaa deeqo waxbarasho(Scholrships) isugu jira waxbarashada heerka kowaad iyo heerka labbaad (Undergraduate & Postgraduate Programs) oo ay jaamacaddaha waaweyn ee dalka India siiyeen jaamacadda Alpha Laascaanood, sidoo kale Mr. Javed oo kasocdey India educates wakiilna ka ahaa jaamacadaha dalka India ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiskan wuxuuna dhammaan bulshada soomaaliyeed iyo ree SSC-khaatumo ba kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah. 𝐀π₯𝐩𝐑𝐚 π”π§π’π―πžπ«π¬π’π­π² π₯πšπ¬πšπ§π¨ππΌπ‘›π‘ π‘π‘Ÿπ‘–π‘›π‘” π‘‡π‘œπ‘šπ‘šπ‘œπ‘Ÿπ‘œπ‘€’𝑠 π‘ƒπ‘Ÿπ‘œπ‘“π‘’π‘ π‘ π‘–π‘œπ‘›π‘Žπ‘™π‘ 

Uncategorized

JAAMACADDA ALPHA OO KA QAYB GASHAY SHIRWEYNAHA SANADLAHA AH EE URURKA CALAMIGA AH EE DARAASAADKA SOOMAALIYEED

[8:34 am, 27/01/2025] Ali Jama Lab: Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Alpha University Laascaanood Xil.Maxamuud cismaan nuur (Eng budeeye) ayaa ka qayb galay Shirweynaha 15aad ee ururka calamiga ah ee daraasaadka soomaaliyeed oo ay Ka qayb galeen qaar kamida madaxda jaamacaddaha Somalia iyo kuwa geeska, kaas oo sanadka lagu qabtay magaalada muqdisho laguna marti qaaday jaamacada Alpha. Shirkan oo socday muddo 4 maalmood ah soona dhamaaday 18’ka bishan ayaa looga gol lahaa in lagu xoojiyo iskaashiga cilmi-baadhista iyo horumarinta tayada waxbarasho ee jaamacadaha geeska, shirweynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda usareysa dalka, jaamacaddo kala duwan, cilmi-baarayaal iyo khubaro heer qaran iyo caalami ah, kuwaas oo ka dooday mowduucyo muhiim ah sida: horumarinta cilmi-baadhista iyo iskaashiga jaamacadaha, iyo sidoo kale tayeynta manhajyada waxbarashada sare. Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey madasha, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray doorka Jaamacadda Alpha ee dhanka cilmi-baadhista iyo barnaamijyada iskaashi ee kala dhexeeya jaamacadaha kale ee geeska Africa iyo kuwa caalamka waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la abuuro shabakad wada shaqeyn ah oo u fududeysa ardayda iyo cilmi-baarayaasha inay helaan fursado waxbarasho iyo tababarro caalami ah. Jaamacadda Alpha waxay u taagan tahay tayeynta waxbarashada sare iyo cilmi-baadhista, waxaana ka go’an inay si joogto ah u horumariso aqoonta, xirfadaha ardeyda iyo cilmi-baadhista si ay uga jawaabto baahiyaha bulshada, iyadoo ka shaqeyneysa in la dhiso jiil cusub oo aqoon leh, xirfad leh, isla markaana diyaar u ah inay noqdaan hoggaamiyeyaasha berri. Alpha University LaascaanoodInspiring Tomorrow’s professionals[8:34 am, 27/01/2025] Ali Jama Lab: Jaamacadda Alpha University Laascaanood ayaa habeenimadii xalay dib u daahfurtay barnaamij waxbarasheedka heerka labaad ee (master program) oo ay iska kaashanayaan jaamacadda alpha iyo Lincoln University Malaysia. Xafladan ayaan waxa kasoo qayb galay gudoomiyaha jaamacadda iyo masuuliyiin ka socda dowlada ssc-khaatumo oo uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha dhexe kaas oo ay weheliyaan xoghayayaal iyo agaasimahayaal ka kala socda xafiisyada kala duwan ee dowlada, aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato, dallada dhalinyarada, midda haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Barnaamijkan oo muhiimad weyn u leh fursad na siinaya aqoonyahanada dhameeyey heerka kowaad ee waxbarashada (bachelor Degree) ayaa waxa daahfuray xoghaya waxbarashada maamulka ssc-khaatumo, C…[8:34 am, 27/01/2025] Ali Jama Lab: Xaflad lagu daahfuray koobka Kubbada Cagta ee is dhexgalka kulliyadaha Jaamacadda Alpha University Laascaanood ayaa galabta si toosa uga furmay garoonka Sool Sports-laascanood Koobkan oo ay ku tartamayaan lix kuliyadood ayaa munaasibada furitaanka waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka jaamacadda Eng maxamud cisman (budeeye), agaasimaha xidhiidhka kubada cagta ee ssc-khaatumo, Hormuudyada kulliyadaha Macalimiinta , qaar ka mida Hawl-wadeenada iyo ardeyda kala duwan ee Jaamacadda. Kullanka furitaanka ayaa galabta waxaa wada ciyaaray kulliyadaha Egineering ka iyo social science , taas oo ugu dambeyn natiijadu kusoo dhamaatay barbar dhac labo iyo labo ah. Koobkan ayaa waxa soo agaasimay iskuna soo duba ridey xafiiska arimaha ardeyda iyo ururka ardeyda jaamacadda alpha university laascaanood. Xafiiska Warbaahintaalpha university laascaanood

Scroll to Top