
[8:34 am, 27/01/2025] Ali Jama Lab: Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Alpha University Laascaanood Xil.Maxamuud cismaan nuur (Eng budeeye) ayaa ka qayb galay Shirweynaha 15aad ee ururka calamiga ah ee daraasaadka soomaaliyeed oo ay Ka qayb galeen qaar kamida madaxda jaamacaddaha Somalia iyo kuwa geeska, kaas oo sanadka lagu qabtay magaalada muqdisho laguna marti qaaday jaamacada Alpha.
Shirkan oo socday muddo 4 maalmood ah soona dhamaaday 18’ka bishan ayaa looga gol lahaa in lagu xoojiyo iskaashiga cilmi-baadhista iyo horumarinta tayada waxbarasho ee jaamacadaha geeska, shirweynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda usareysa dalka, jaamacaddo kala duwan, cilmi-baarayaal iyo khubaro heer qaran iyo caalami ah, kuwaas oo ka dooday mowduucyo muhiim ah sida: horumarinta cilmi-baadhista iyo iskaashiga jaamacadaha, iyo sidoo kale tayeynta manhajyada waxbarashada sare.
Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey madasha, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray doorka Jaamacadda Alpha ee dhanka cilmi-baadhista iyo barnaamijyada iskaashi ee kala dhexeeya jaamacadaha kale ee geeska Africa iyo kuwa caalamka waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la abuuro shabakad wada shaqeyn ah oo u fududeysa ardayda iyo cilmi-baarayaasha inay helaan fursado waxbarasho iyo tababarro caalami ah.
Jaamacadda Alpha waxay u taagan tahay tayeynta waxbarashada sare iyo cilmi-baadhista, waxaana ka go’an inay si joogto ah u horumariso aqoonta, xirfadaha ardeyda iyo cilmi-baadhista si ay uga jawaabto baahiyaha bulshada, iyadoo ka shaqeyneysa in la dhiso jiil cusub oo aqoon leh, xirfad leh, isla markaana diyaar u ah inay noqdaan hoggaamiyeyaasha berri.
Alpha University Laascaanood
Inspiring Tomorrow’s professionals
[8:34 am, 27/01/2025] Ali Jama Lab: Jaamacadda Alpha University Laascaanood ayaa habeenimadii xalay dib u daahfurtay barnaamij waxbarasheedka heerka labaad ee (master program) oo ay iska kaashanayaan jaamacadda alpha iyo Lincoln University Malaysia.
Xafladan ayaan waxa kasoo qayb galay gudoomiyaha jaamacadda iyo masuuliyiin ka socda dowlada ssc-khaatumo oo uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha dhexe kaas oo ay weheliyaan xoghayayaal iyo agaasimahayaal ka kala socda xafiisyada kala duwan ee dowlada, aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato, dallada dhalinyarada, midda haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Barnaamijkan oo muhiimad weyn u leh fursad na siinaya aqoonyahanada dhameeyey heerka kowaad ee waxbarashada (bachelor Degree) ayaa waxa daahfuray xoghaya waxbarashada maamulka ssc-khaatumo, C…
[8:34 am, 27/01/2025] Ali Jama Lab: Xaflad lagu daahfuray koobka Kubbada Cagta ee is dhexgalka kulliyadaha Jaamacadda Alpha University Laascaanood ayaa galabta si toosa uga furmay garoonka Sool Sports-laascanood
Koobkan oo ay ku tartamayaan lix kuliyadood ayaa munaasibada furitaanka waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka jaamacadda Eng maxamud cisman (budeeye), agaasimaha xidhiidhka kubada cagta ee ssc-khaatumo, Hormuudyada kulliyadaha Macalimiinta , qaar ka mida Hawl-wadeenada iyo ardeyda kala duwan ee Jaamacadda.
Kullanka furitaanka ayaa galabta waxaa wada ciyaaray kulliyadaha Egineering ka iyo social science , taas oo ugu dambeyn natiijadu kusoo dhamaatay barbar dhac labo iyo labo ah.
Koobkan ayaa waxa soo agaasimay iskuna soo duba ridey xafiiska arimaha ardeyda iyo ururka ardeyda jaamacadda alpha university laascaanood.
Xafiiska Warbaahinta
alpha university laascaanood